Press "Enter" to skip to content

Mahdi Jaamac Foodeey (Burgal)

Haku taamin waa tix gabay ah oo uu tiriyay Mahdi Jaamac Foodeey (Burgal)
Tixdu waxay ka hadlaysaa xaalada madow ee uu gallay wadankeenii Soomaaliya
oo ay isu bahaysteen gaalo danno gaar ah kaleh iyo gaal kalkaal Soomaali ah
oo dhuuni qaate ah, qiimana ayna ugu fadhiyin qaranimada iyo xoriyadu.
Waxay dalkii iyo dadkiiba dhaafsadeen hanti yar. Wuxuu yidhi: 
 Inta taangi kugu meersanyahay Xabashi tuutaysan
 Ama uu Tigree iyo Amxaar tuducyo kuu yeedhin
 Torogtorogta sheekada warkaad kala tafniidaysid
 Waxkastood tidhaahdaa adeer tamata’ weeyaane
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Inta wali latabayee shariif dhagaha loo taagi
 Ee wixii wanaag uu tabcaday loo tixgalinaayo
 Adna aad tollay’ iyo qabiil tabar ku doonaysid
 Waa dhado mar kugu tiixday iyo toojo kaa gudhane
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Inta Ina Aways kula tartami tab iyo xeeshiisa
 Ama uu Illaah tuugayo uu towbada u jeedo
 Adna taarig wayn tahay kufriga tanagyadow dhaansha
 Waa tacab khasaar iyo halaag taad ku socotaaye
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Turki iyo ragiisii intuu kula tacaalaayo
 Uu taliyahoodii wacnaa barayo taagtiiga
 Tasbiixda iyo intii ay wadaan calanka towxiidka
 Adigana tubaakada nin cuni kuu tahliil dhigayo
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Waa niman takbiirtiyo qur’aan lagu tacliinshaaye
 Tarbiyadii Rasuulkay sitaan tuhunku waa been e
 Tummaatida markay kula helaan teerigii waranka
 Takar dhabasho kaagama go’ oo waad ku taab gabiye
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Taakulada Eebiyo xaqaa lagu tanaadaaye 
 Taageeradiisaa ka weyn gaalo loo tago ee
 Tunka Bush ninkii fiirsadeen taasi garanaynin
 Tagoogaha markii laga jabshuu murug la tiicaa ee
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Todobaatan baad dhaaftay iyo tiro kasiidheere
 Tusbax bay sitaan odayadaad wada tisqaaddeene
 Adiguna jinaad taabacdaa tooshka kuusido’e
 Tahluukiyo jabbuu kula rabaa inaad tasoowdaaye
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Tabaalaca haweenkii la baday taaha iyo ciilka 
 Inta duurka lagu toogtayee tub iyo ceel daadsan
 Iyo dhaawac aan soo tukubin loona tagi waayay
 Waa godob laguu tirinayoo adiga kuu taale
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Taariikhdu way qori warkaad tidhi dharaartiiye 
 Dad tacshiirad lala beegsadoo talogal loo laayay
 Tabaaladii ka soo gaadhay iyo maydkii tiro beelay
 Tacsi iyo halkaad diri lahayd erayo tiiraanyo
 Farxaddaad ku taageertayeed caalamkaw tabisay
 Turxaan tay abuurtaa ka weyn caddawga tiisiiye
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Tiftif iyo basaanimadu waa takhaluskaagiiye
 Ninna tacajub kuma hayso oo waa bar kugu taalle
 Kamana aanad tanaasulin wixii kugu tallaallaaye
 Tantoomaynta shacab lagu tuntaad tulud ku maashaaye
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid
 Tusmaday maxkamaduhu dhigeen tiigsigii nabadda 
 Ammaaankii ka taam galay arlada tamashlihii fiidka
 Isbaarooyinkii laga tirtiray tuugadii carartay
 Idinkaa tabteedii kadhigay tuulo iyo hawd e
 Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid 
 Arimahaan idiin soo tixiyo maansadaan tiriyey
 Waa arar tixdii aan watiyo ani tacbiirkaye 
 Iminkana tafsiil aan u galo qodobo ii taagan
 Allahayoow tusaaley noqdeen maalmihii tagaye
 Allahayoow Islaam toosan bay nagu tijaabsheene 
 Allahayoow taqsiintii lawaa qaadna loo taliye
 Taqwo iyo cibaadaa beddelay tumasho heesaade
 Tafsiir iyo xadiis baa baa u galay tookadii filim’e
 Taalooga shaydaan kuwii timaha buuraayay
 Manqas baa tartiib loo gashoo baray tastuurkiiye
 Anaa kaa tol roon iyo majiro amar ku taaglayne
 Hantidii la kala baadi jiray laysu soo soo tiriye
 Kii madaxa taagana xabsaa lagu taxaabaaye
 Tafaraaruqii laga baxyoo garanay tawfiiqe
 Tirtirsiimadiyo waanadii lagu tilmaamaayey
 Ummaddii ku toostoo waxbay taransadeen weyne
 Qof waliba tankiisuu mar qudha taw lasoo yidhiye
 Tafaxaydasho iyo hawl dhabbaa tiimbad loogalaye
 Magaalada tigaadiyo dhirtaan waayo laga taaban
 Qashin tuuran laga dhawr halkuu tuunsanaan jiraye 
 Jidadkana badhbaa daayactiran oo wax loo taraye
 Tammuuxiyo wixii ciid tubnayd teedkii laga qaadye
 Togaggay kajeexeen biyuhu laami lagu tuurye
 Tiirarkii dhaqaaluhu dhakhsaba taabaqaad gala’e
 Toban sano horteed bay xidheen turuqya buurtiiye
 Tashi iyo awood wada jiraa jaray tiqraarkiiye
 Taakay noqdeen safarradii labo tallaaboode
 Tijaaradana waa laga ribxaa niniyo taagtiiye
 Tarab tarab badeecda ku raran tuluxda gaadiidka
 Waardiye dul taagani majiro ruux kol ay tahay
 Toorray nimaan haysan baa wada taraagiiye
 Tukaamaduna way furan yihiin lacagtu taalaaye
 Illaaladii taxnayd suuqa way tira yaraadeene
 Allahayoow tiraab beena iyo tookha laga roone
 Tayo wiilallaw kacay dhulkay talaf kayeeleene
 Anigoon ku talax tegin ammaan kuna talbiisaynin
 Tahniyad iyo salaam bay muteen lagu tashriifaaye
 Hayeeshee dadbay nabar kutahay toosna aan ladine
 Tawreed kuwii dooriyaa furay tashwiikiiye
 Tannaago iyo qaylay dhamaan kor isla taageene
 Tolweynaha Masiixiga durbaba taararkaw dira’e
 Iyaguna dagaal lagu tashaday weerar soo tuba’e
 Qaar naga takoormay wataan ooy u taliyaane
 Taran kood ba’ waa kuwo ibliis taayirkaw rogaye
 Waa kuwa tafiirtooda neceb oo tafaafulane
 Maskaxdaa tigtigan oon lahayn garasho toolmoone
 Tag xumida waxaay kaga dareen tayga loo xidhaye
 Turjubaan shisheeyey noqdeen oo sankaw tolane
 Kolba ammarka loo soo tirshay toos u filiyaane
 Madaxnimo tabtaa lagu helay toobkahaw culane 
 Tallankoodu waa inay hadhaaw taaj u galiyaane
 Taamiilo kuma qaadan weli waayihii tegaye
 Waxa anay ka taxadarin toore uga guuri
 Kol haddaan intaa soo tirshoon taababkaw giijay
 Wax yar oon katagay baan hadana taabo leeyahaye
 Igu taarta maqalkiina waan idin tusaalayne 
 Allahayoow kufaarataysku tegay nooma turayaane
 Allahayoow waxaan khayr taxaay naga taftaafeene
 Tiriig noo iftiimaayeybay taxadka geeyeene
 Tiihiyo wareer bay rabaan taagan waligiiye
 
 Inkastoo jihaad lagu tirtiray loo turqaday lawga 
 Oo taharta cadawgii la wadhay uu tukuhu feentay
 Takfilay Axmaariyo kuwii cudud ku taageeray
 Tacab iyo shidday nagu hayaan xero taraar weyne
 Teelteelna maahoo dalkii taabe idilkiiye
 Takhsiir eebbe weeyaan ciddii turunturrootaaye
 Waxaad nagu tacsiirtana Alloow tababar weeyaane
 Marna tacaddi uma haysaniyo anannu toosnayne
 Mar kastooy tabciyo nala damcaan taws xanuun badan leh
 Tukashada salaaddiyo baryada lagugu tuugaayo
 Tabantaabadaadaan Alloow kaga tallawnaaye
 Maantana tahdiid baa jiriyo takhalus diineede 
 Teendhada gumaysigu baryahan ruurta naga saaray
 Allahayoow adaa taag u lehee naga tarxiil gaalka
 Oo guusha taam nooga yeel taajir baad tahaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r