Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha sare ee siyaasadda iyo isu duwaha Barnaamujyadda

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda iyo Isku-duwaha Barnaamijyada la xiriira ee Xafiiska Madaxweynaha.

Dr. Yaxya Ibraahim, oo ahaa bare jaamacadeed oo ka howlgalayay dalka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad-dhiska, cilmi-baarista, xiriirka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha. Waxa uu muddo ka soo shaqeynayay xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master’s iyo PhD ka diyaariyay Jaamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka rajaynayo in Dr. Yaxya door muuqda ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka, isagoo hubinaya in go’aannada muhiimka ah lagu saleeyo caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddooyinka Xafiiska Madaxweynaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r