Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Muqdisho (SONNA):  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo shaqeeyey qaranka, gaar ahaanna uu ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidoo kale burburkii iyo dagaalkii sokeeye markii uu dhacay waxa uu Marxuumku si hagar la’aan ah uga qayb qaatay howlihii gurmadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Alle uga baryey Marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelkiisa, qaraabadiisa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r