Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu caawa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed waxa uu kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo astaan u ah riyo muddo dheer la sugayay oo horseedeysa in dalka ay ka hano qaaddo doorashada Dastuuriga ah ee ay xaqa u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dowladdu ay dadaal iyo waqti badan ku bixisay hirgalinta doorashadan oo Soomaaliya ku soo celinaysa wadada dib u kabashada iyo dowlad wanaagga.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r