Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen, qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku bixinayaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r