Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

New York(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r