Press "Enter" to skip to content

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DEEGAANKA GANDARSHE KULA CIIDAY CIIDAMADA XOOGGA DALKA.

Muqdisho-SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha ayaa hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka Khawaarijta, waxa uuna faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaarka dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r