Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray shirweyne looga arrinsanayo maamul baahinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland, muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada ee caasimada Garoowe.

Shirkaa oo ay kasoo qaybgaleen Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaasha Guud, Hanti-dhowraha Guud, Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasime-Waaxeedyada, Isu-duwayaasha Gobollada, Xoghayeyaasha Dowladaha Hoose iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.

Shirka ayaa intuu socdo la iskula wadaagi doona xogo ku saabsan shaqooyinka Dowladnimo ee qabsoomay iyo kuwa qorsheysan, fursadaha iyo caqabadaha, iyo sida ugu waanagsan ee maamul daadijinta heer deegaan, heer degmo illaa heer Gobol. Waana kulan isla xisaabtan ah oo firfircooni u horseedaya adeega dowladnimo ee loo hayo bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *