Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r