Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari

Laascaanood(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r