Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo isugu jiray wasiirro,xildhibaanno iyo saraakiil ayaa saaka gaaray deegaanka Gendershe oo kamid ah Gobolka Sh/Hoose,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.
Madaxweynaha JFS iyo wafdigii kale ee la socday waxa ay deegaanka Gendershe salaadda Ciidul fidriga kula oogeen boqolaal ka mid ah Ciidamada Qaranka iyo qeybaha shacabka ee ku dhaqan deegaanka Gendershe.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay ciidanka qaranka ayaa ku ammaanay sida ay uga soo baxeen gudashada waajibaadka qaran ee ay u hayaan umadda,isagoo kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan howlgalada dhanka amniga ah ee lagu wiiqayo kooxaha khawaarijta.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Waxa uu shacabka ku dhaqan deegaanka Gendershe tusiyay sida ay lagaa maarmaanka u tahay in ay garan istaagaan ciidanka qaranka ee har iyo habeen u taagan badbaadinta umadda.


Be First to Comment