Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan ee loo magacaabay xilalka Guddoomiye Kuxigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:

1)-Prof. Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xaashi – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Tacliinta

2)-Marwo Deeqa Maxamed Qaalib – Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda

3)-Prof. Dr. Cabdullaahi Sheekh Rashiid – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Ardayda iyo Isku Xirka Bulshada

4)-Dr. Cali Cawil Axmed – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka

5)-Dr. Fuaad Mirre Xasan – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Qorsheynta iyo Horumarinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyiintan faray in ay xilka culus ee loo igmaday u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, iyaga oo muujinaya hufnaan, daacadnimo iyo karti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay masuuliyiinta cusub guul iyo horumar waara

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r