Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo kulan muhiim ah la qaatay maamulka  Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ay soo jeediyeen diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda ,gaar  ahaan Danjire Yuusuf Axmed Xasan, kaas oo xusay guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Aljeria.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya ku ammaanay shaqada ay u hayaan muwaadiniinta,isagoo dhinaca kale amray in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay u qabataan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu kula dardaarmay maamulka safaaradda in ay  door wanaagsan ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r