Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

New York(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweynaha iyo Xogahaya ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, amniga iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey qorsheyaasha hirgelay ee dowladdu ay ku xaqiijinayso amniga, doorashooyinka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r