Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka Labadiisa Aqal la wadaagi doono go’aanka ka dhiidhinta ah ee ku saabsan xadgudubka bareerka ah ee Yuhuuddu ku sameysay madax bannaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan howlaha kale ee uu waday, isagoo xoogga isugu geeyay arrimaha difaaca dalka, kaddib faragelin uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay wadajirka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r