Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Jamhuuriyadda : “Soomaaliya waa dhaqaaqday, wadadii horumarka iyo barwaaqada ayeeyna cagta saartay”

Muqdisho.SONNA— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa yiri “Dalka maanta waxa uu baahi weyn u qabaa hoggaaminta dhallinyarada,sidaa aawadeed waxaan aaminsanahay in ay qaban karaan wax weyn oo xagga horumarka ah”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka wrbixiyay doorka dhallinyarada ee ku aadan hoggaminta iyo hal abuurka dhallinyarada, isagoo ku taliyay in dhallinyaradu ay ka qeybqaataan horumarka baaxadda leh ee ka socda dalka.
Munaasabaddii xiritaanka shirweynahaasi waxaa goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda,qaar kamid ah ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r