Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo gaardis ku soo maray qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho.

Dabbaal-degga munaasabaddan waxaa ka qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Ciidanka Cirka iyo sidoo kale ciidanka Badda Soomaaliyeed, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ugu diyaarsan yahay difaaca, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *