Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo shirguddoomiyey kulan looga hadlay sugidda Amniga Laascaanood

Laascaanood(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa caawa shir guddoomiyey shir looga hadlay amniga magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemasaarka madaxda maamulkaan.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Waqooyi bari Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga iyo hanaanka ay u dhaceyso munaasabadda caleema-saarka madaxda Waqooyi bari.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r