Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha Al jeeriya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ahna Wasiirka Waxbarashada

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Madaxweyne Tebboune.

Ergeyga Madaxweynaha Wasiir Faarax Sheekh waxaa kulanka ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad iyo Safiirka Soomaaliya ee Al Jeeriya Amb. Yuusuf Jeego.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Mudane Boualem Boualem, Agaasimaha Golaha Wasiirada ee Madaxtooyada Mudane Amar Abba, La-taliyaha Madaxweynaha ee u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda iyo Mudane Mohamed Seghir Saadaoui, Wasiirka Waxbarashada Qaranka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r