Dooxa (SONNA): Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada Doxa, ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayyib Erdogan.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotodadheer ee labada dal ka dhexeeya.



Be First to Comment