Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Maxamed Abuukar Subeer, ayaa intii uu socday Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee lagu qabtay magaalada St. Petersburg ee Ruushka, waxa ay kulan dooceed la qaateen wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay ka mid ahaayeen Naif Saleh Samkari, Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda, iyo Najla Alfarraj, khabiir ku takhasustay arrimaha deegaanka.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, hirgelinta is-afgaradka labada dhinac, iyo istaraatiijiyadda IMO ee ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa.




Be First to Comment