Press "Enter" to skip to content

Maamulka Hir-shabeelle iyo Odayaasha Dhaqanka oo yeeshay kulan muhiim ah

Maamulka Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Beledweyne ku qabatay shir looga hadlaayay sida kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa qeybaha garsoorka iyo hoggaamiyaasha bulshada.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday la isku tusay sida wax looga qaban karo falalka amni darada ah ee ay sababaan nuucyada mukhaadaraadka iyo sida ugu habboon ee loo heli karo wada shaeyn dhab ah oo dhexmarta qeynaha garsoorka iyo hoggaamiyaasha ururada bushada.

Kulankaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Dowlad Gobolredka Hir-shabeelle C.Fataax C/Qaadir Caddoow,isagoo sheegay in odayaasha dhaqanka ay wax badan ka qabteen falalka amni darri ee ka jira gobolka,wuxuuna ka dalbadan in ay dardar galiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa maamulka garsoorka.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Xusen Maxamed Waadi oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa soo jeediyay in xil la iska saaro nabad ku soo dabbaalidda guud ahaan degmooyinka gobolka

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r