Qamaan ayaa geeraarkan hoose mariyey isagoo tolkii guubaabinaya kuna tirtirsiinaya inay weerar qabac ka siiyaan
gacantana ay soo qabsadaan afadii laga dhacay. Wuxuu yidhi:
Nin tolkii qiiro beelay,Oo afadii laga qaadayQunyar loola dhaqaaqayBarqo wiil qolqol gaystayQaawiyoo la ciyaarayMa ceeb noo qalantaa?
Haddii layna qarmaystoo,Qoysba meel lala aadayMa indhahaan qabsanaa?Qoryahaan iyo xooguMa kuwaan shay qabanbaa?
Raggaan qoodhaha waynleeXaasaskii laga qaadayBari sow la qasheeAsaagood ka qaxeeQuwaddiinna qarsoon iyo,Maad rag qiiro tustaan?Qalabka maad gurataanoo,Barni soo qabataan!!...
Isha gabayga:Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.
Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan oo nala soo socodsii. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey Xadiis Axmed Caabi.



Be First to Comment