- Odaygii gablamay iyo duqii, geela badan haystay
- Ee gaano oomiyo horwayn, ceelka soo galiyey
- Gaankii Garlow Gube markii, Gooha lagu ooday
- Garab waynta naaxdiyo markay, Gaydho soo oroday
- Ee gaanho maale darkii, garatay ee reentay??
- Ee uu wax garab taaganoo, geela shuba waayey
- Isagaba Guhaadoow da iyo, oohintaa u gar ahe
- Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
-
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye
-
Xidhaalada ninkii loo gartay iyo, geela inuu raaco
- Ee gaadaha iyo aarka gudda, geeddan u ahaaday
- Galabtii caraabaha wuxuu, gaado ka ilaashay
- Gabadanada jiilaal wuxuu, geed isugu keenay
- Maalintii gugeedii da’ay, ees guryaha geeyay
- Ee geela odaygii lahaa yaraha guulguulay
- Isna geesta uga leexday baan, galabta joogaaye
- Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
-
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye
-
Gabadhii gayaankeeda iyo, Gaani la cayaarta
- Ee gogosha kula seexata een, gacanta diidaynin
- Ee garaca uurkeeda galay, gooni loo mariyey
- Ee guriga ooy soo gashiyo, gogossha loo diiday
- Ee geedka ciil ugu go’daan, galabta joogaaye
- Aniguna gadeedii intaan, gorodda laalaadshay
-
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye
-
Waxba hadalku yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay
- Anna goonida aan marahayiyo, guuraha iyo ciilka
- Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway
- Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay
- Ileen maba gu’weyniye, ciradan madaxa gaashaysay
- Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e
- Goboladii Ogaadeenya oon, talo ka meel gaadhin
- Inagoon go’aanka iyo sharciga, meel isugu gaynin
- Inagoon wadadii gali lahayd, garanin ceelkeena
- Inagoon xaqeenii gudhnaa, gorof u aabaynin
- Boqol ganacsanaysaa intay, sheeko soo galisay
- Oo wiilal geeljira ah galbeed, tababar loo geeyay
- Iyagoo gabriyo lagu badalay, gowlalo iyo jeerin
- Oo gudimo oodeed si kale, daabka loo galiyey
- Iyagoo hangool loo gatiyo, gaydin lagu riixo
- Oo geerash lagu qaybsadiyo, goobo kala jaad ah
- Iyagoo gudoonshaha sariyo, gaasas loo bixiyey
- Ooy guuto taliye hayaan, badow gafuur weyn leh
- Waa tay dagaal naga gu’ wayn, guuragaliyeene
- Malyan baa ku go’ay goobta Herer, gacan toglayntiiye
- Taariikhda iima galin wiilashii, haadka loo gagey e
- Gooyihii Hawaas iyo kuwii, Goray ku naafoobay
- Iyana waa u galgaladkaa kuway, midigta gooyeene
-
Goosankeenan soo hadhay na waa u, guuldaro iyo ceeb e
-
Iskuse gees ahaantiyo waxaa, garasho noo diiday
- Garbaduub waxaa noo xidhay oo, noo gadbix waayey
- Gudbantaa waxaa i galiyey iyo, leyla gobolayda
- Gaandhada haday niman cabaan, libin ma gaadhaane
- Garaadaha kuwii lagu khaldiyo, Aadan Gabiyoow ba
- Intaanse towradii gadanay oon, geesaha qabanay
- Waataan galley siisaneed, Xamar u gayseene
- Geed ay ka guurtay shinidu, ooy awlalkii guratay
- Galoolkay dorraad garab martay, doqontu gooysaaye
-
Anna gooxan aan yuururaa, waaba xero guule e
-
Waligayna waa ii gabidhac iyo, ii galgaladkaase
- Waa ii gacanta oo la i hayiyo, gaar u sacabeeye
- Waa ii aar i gaadiyo dawaco, taarka loo galo e
- Waa ii suunkan igu giigsan iyo, golongolkaa oon e
-
Waa ii geedigaa foolxun iyo, lama daga u guur e
-
Gobonimooy hadaan kaa gabado, orodna kaa gaabsho
- Gablanka iyo haddaan kaaga baqo, geeri laga yaabo
- Guud ahaanna uurka iyo hadaanan, laabta kuu galinin
- Siddi gaban yar oon dhalay haddaanan, gacanta kuu haynin
- Xornimada guddootaay haddaanan, geedo kuu karinin
- Gidigiiba qur’aankiyo haddaanan, diinta kugu goynin
- Geela iyo haddaanan kugu khatimin, tobon jir awr gaadhay
- Haddii aanan galbeedkaa badalin, laysla garan waayey
- Gobolada Ogaadeen haddii aanan, gooni kuu odhanin
- Haddii aanan go ii kaa dhiciyo, shaadhka kuu galinin
- Gafka iyo xumaan taay haddaan, gacanta kaa laabto
- Markiise uu rageedii gabay, ee kaalin gali waayey
- Garteed weeye ciidani inay, gamashi ooydaaye
- Intay goobtu saa tahay ee, niyadu ii galgalanayso
- Labadaada goonyood aniga oon, dhacanta gaadhsiinin
- Nasab kaygii baan gaday haddaan, geesna la heshiiyo
Be First to Comment