Press "Enter" to skip to content

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Laascaanood(SONNA):-Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo dhowaan la doortay.

Munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya,madaxda dowlad gobolleedyada dalka,xubnaha gollaha wasiiradda,goleyaasha labada aqal Baarlamaan iyo marti sharaf kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale munaasabadan ka qayb gelaya wafdiyo kala duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka,dowladda Jabuuti ayaa waxa ka yimid xubno ka tirsan golaha wasiiradda,waxa iyaguna saaka yimid laascaanood Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Turkiga,Suudaan iyo Sucuudiga.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r