Press "Enter" to skip to content

Laascaanood oo caawa lagu qabtay banaanbax weyn oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya

Laascaanood(SONNA):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la isugu tegay fagaaraha taallada “Shuhadada” oo ku taalla bartamaha magaalada, iyadoo halkaan farriin adag oo mideysan looga diray dadka ku howlan kala goynta dalka.

Dhallinyarada reer Muqdisho ee Laascaanood ku sugan oo ay hoggaaminayaan Cabdiweli Cumar, Fanaanada Qaran ee Xaawo Degan, Agaasime Cantoobo iyo dhallinyaro kale oo deegaanka ah ayaa soo agaasimay isku soo baxaan caawa gilgilay Laascaanood, kaas oo si qota dheer loogu muujiyey muhiimadda iyo qiimaha midnimada dalkeenna.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r