Press "Enter" to skip to content

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA);– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Dadaallada Xasilinta.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku howlan arrimaha xasilinta. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qiimeynta baahiyaha jira, kala hormarinta faragelinta, caqabadaha taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada ka socda deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka qaybgalay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada, dejinta mudnaanta qorsheyaasha, iyo is-waafajinta howlaha socda. Waxay sidoo kale muujiyeen go’aan adag oo ku aaddan hirgelinta iyo horumarinta dadaallada xasilinta ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r