Press "Enter" to skip to content

Kulan ku saabsan xoojinta hawlgalada la dagaalanka xagjirka oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (SONNA): Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS mudane Idiris Cusmaan Xaaji ayaa shir-guddoomiyey kulan wadatashi ah oo ku saabsan isku-duwidda mashaariicda Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka argagixisada (IMCTC) iyo sida ugu habboon ee loo hirgelin lahaa sanadka 2026, kaas oo ka dhacay wasaaradda gaashaandhigga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta qorshe isku dhafan oo lagu fulinayo mashaariicda IMCTC, xoojinta iskaashiga wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ku lugta leh mashaariicdan, iyo taageerada farsamo, maaliyadeed iyo midda amni ee loo baahan yahay.

Waxaa kulanka ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee dowladda, kuwaas oo ballan qaaday inay si dhow uga wada shaqayn doonaan hirgelinta qodobadii la isku afgartay, si loo xaqiijiyo guul dhammaystiran oo ay ku mideysan yihiin hay’adaha dowladda ee hawshan quseyso.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r