The largest online collection of Somali poetry
Heestan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadi Daauud [Stanza] wuxu sammeeyay taariikhdu markey aheyd 7 August 2003.
·Kismaayooy kor iyo hoos
·kaleygii dalkeygaay
·karan loo hilooboo
·loo wada kardhamayaay
·karuur caano dhaay iyo
·kabra awlal malabeey
·xeebtii kalluunkiyo
·macdan lagu kashkaashaay
·kaah iyo hillaaceey
·dhilloowyahan koraayoo
·kaamilay mankiiyoo
·kaafuur dulfuulaay
·kifaax nabad ku nooloow
·Hoobaan kaliishiyo
·waagii ku kadiyoo
·kartayoo bislaataay
·kannaalkii wacnaayee
·koomka laga hagaayaay
·kalliyaha iyo unuggii
·kaadida sifeeyaay
·goobtaan ku korayee
·Rabbi igu koryeelaay
·madashii kabraalaha
·kobcintii dhaqaalaha
·karkaarkii midnimadaay
·kifaax nabad ku nooloow
·Kabxan hoos qaboow iyo
·kaadirkii waxgaradkaay
·hooygii kabdhoodkiyo
·kaftankiyo caweyskaay
·kubaddiyo cayaaraha
·kaamkii xorriyaddaay
·kabankii jacaylkaay
·kashka beerka maankiyo
·kolawgii kalgacalkaay
·badda oo biyaha kalax
·sii laba karbaashtaay
·kifaax nabad ku nooloow
·Kabad caafimaadeey
·kalka iyo gacmaha iyo
·kalxantii Abwaankaay
·kolanyada shixnadan iyo
·dakad lagu kabtaayeey
·kaawiyaddii garaadkaay
·kaash dheeman lacageey
·kabaay ha iga kala dhicin
·kadeedkana lagaa kaab
·kobtaad iga taalana
·dawo kaafisaan jirin
·kifaax nabad ku nooloow
Be First to Comment