- Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane
- Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay
- Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo
- Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay
- Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro
- Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye
- Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e
- Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene
- Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto
- Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba
- Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e
- Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e
- Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone
- Ha yeeshee jir weyn baa ka da’ay meel jidhaamo lehe
- Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye
- Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e
- Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye
- Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele
- Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne
- Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane
- Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday
- Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda
- Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey
- Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde
- Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe
- Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye
- Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine
- War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne
- Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye
- Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye
- Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay
- Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhine
- Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine
- Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine
- Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine
- Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw)
- Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye
- Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene
- …
Be First to Comment