Gabaygii Cilmi Carab Cabdi ku darsaday Silsiladdii Rayad
-
Hooyaale gabay waayadeer haabka kuma hayne
-
In dhoweydba waataan ka hadhay himiladiisiiye
-
Ma hawalinnin maansooyinkii igu habboonaaye
-
Hoorri waliba goortuu tirshaan daayay hadalkiise
-
Hayeeshee xaluun baan hurdada haatuf ii yimiye
-
Qaar baa halleeyee haddaan miinka ka higgaadsho
-
Heelkaan ka maansoonayaa loo hanweyn yahaye
-
Iga hooya waa taad beryahan ku holganaydeene
-
Hebednimadu waa waxay rag yari kuu hunguriyayne
-
Haddii aad halyey wada tihiin hanad ahoo dhiirran
-
Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane
-
Hubka iyo raggaba adiga oo hodan ahoo buuxa
-
Habaar weeye Habar Yoonis aad hiil u dayataaye
-
Haddii aadan hoollinayn dagaal hebelna aad weydo
-
Holgantoo naftaad geeridii kala hawooteene
-
Waase lama huraan mowd inaad ka hor timaaddaane
-
Hayin iyo anoo layga dhacay halo an maalaayay
-
Intuu Halab karuurkeed nin kale dhamo ma hoydeene
-
Anoo hilib ugaadheed ku nool kama hadheen Xiise
-
Idinkuna hablaad ugu darteen hadiyaddoodiiye
-
Hayiin iyo dayiin uumiyuhu idinku haasowye
-
Inaad hoos u wada foorartaan helay khabaarkiiye
-
Horweyntii la qaadiyo raggii haanka lagu gooyay
-
Haadkiyo waraabuhu ragguu ka hirqadee laystay
-
Ee hanaqa ay wada jareen hebelladii laayay
-
Hawo ineeyan kaa hayn inaad wax u halaakayso
-
Aad hiiftay Cali Aadankii ficil is haynwaayay
-
Oo aad Hartiga eersateen helay khabaartiiye
-
Hayeeshee waxay kaa hayaan waad ka helaysaaye
-
Nin hashiisii laga qaaday oo lagu hor maalaayo
-
Oo horin ka yari haysataa sidan u hoomaayin
-
Oo waliba loo sii hanjabay lana halaakeeyay
-
Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo haylna laga jeexay
-
Ha’da maanso kuuma ay furree kaagu waa habowe
-
Heeryada adaan rogin Qamaan haanta lagu saaray
-
Hadalba kuuma yaallee maxaad gabay ka hoodaamin
Be First to Comment