Gabaygii Maxamed Fiin ee Silsiladdii Rayad
-
Calow gugakan gabaygaad tidhi gocasho weyn reebye
-
Wixii gacal ahaa uumiyaa waa mid kala geyne
-
Gabadh iyo walaalkeedba waa kala geddoomeene
-
Gardarriyo isyeelyeel mar buu gubey bilaadkiiye
-
Nin garaad leh baan kugu ogaa gaban ahaantiiye
-
Maantaad gu’yaal badan jirtoo guudku ku caddaaday
-
Bal garwaaqso warankaad gantiyo gedaha aad joogtid
-
Guntigii wadaadkii la eed gebagabayntiise
-
Galow baa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde
-
Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
-
Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
-
Garmaaddii shubaysiyo la waa garabyo weyntiiye
-
Geedaha ka baxay laga ma cuno godobyo dhowdhoowe
-
God abaaday waakaa noqdiyo guri madoobaade
-
Waxa guuldarrada ugu wacnaa geli colaadeede
-
Waa gaasir Reer-Cali wuxuu wada gudboonaaye
-
Ma gu’ yaree seeCalitashigu uga gulaallaaday?
-
Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taalle
-
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
-
Gurgur lama shiraystiyo hashii geela ka irmaane
-
Guntana laga ma jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye
-
Afartaa gammuuraye sidii leebka ma u gooyey
-
Gobo’ kalena waa erey yar aan godob ka faalleeyey
-
Gondaggooye nimankii dhigaad gacal ahaydeene
-
Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey goloshkii dheeraaye
-
Geydh iyo waxay cadho qabaan garanba maysaane
-
Aar soo gendoodsaday wuxuu gaadho waa diliye
-
Goonyaha haddii lagaga ciyo guuldarraa dhiciye
-
Geelii Ogaadeen ninkii goofiyaa tahaye
-
Giddiga Reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
-
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
-
Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
-
Gaal iyo Islaam nabaddu waw gogol nasteexaade
-
Marse haddii colaad loo guntado Goray ma laacdeene
-
Cid uun baa rasaas kugu gambiyi Giibba ma lahayne
-
Ogaadeenku waa gama’san yahee gamasyo haw dhiibin
-
Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo Sheyddaane
-
Gacalow ka joog meelahaad gacantogaalaysay
-
Haddii kale aduun baw go’iye gabayga aashaada
Be First to Comment