Afar maalmood ka dib, sida la wariyey, waxaa gabaygii Cali Dhuux ka jawaabay silsiladiina soo galay Ina Dubbe oo yidhi:
- Deyn qaadka gabay waa xun yahay, dira-diraaluhuye
- Duq gaboobay waxa u roon afkii, inu daboolaaye
- Marse haduu duleeddada ka ciyo, waa darxumo weyne
- Damenaanse Caliyaw rag waa, laga dambeeyaaye
- Darbo waxaad Islaam kula jirtoo, dab isu dhiibtaaba
- Dux ka guro dib uun baad u dhiman, duuga weligaaye
- Dersi sidaanu nahay oo ciyoon, lana duqeynaayo
- Daandaansigaagii ka baday, digada xoolaaye
- Dacwiga jooji yaan eebahay, dawdar kaa dhigine
- Ninse dulmiyay Ogaadeen, hadii cidi ka doonayso
- Dunjigeeda Soomaalidaad, ugu darnaydeene
- Duuflaal wadaadkii noqdaa, dawo ahaydeene
- Idinba waataa dubaha Reer Subeer, daan ku jabiseene
- Idinkaa Dannood iyo ka hiray, degeladoodiye
- Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
- Deegaanta Haradoo dhanbaa, dacar ku deehdeene
- Deex iyo madheedh kama baxaan, gorayo daaqayne
- Doogoo gabaabsiyey haadii, dayrta la idlaysto
- Laaskuu u dalandooliyaa, daar ka dhigateene
- Dixdii Qarandi waataa khalfado, dab u samayseene
- Dunbuqaa ka soo jeediseen, loogu degi waaye
- Dararkii Camuud baa shan mayl, doho ka siiseene
- Sidii daamur waatii gargaar, duuf ka soo uraye
- Dhagaxii Mataan lagu dugsiyay, deyrki lagu meershay
- Jeer aan daqiiqaha ka dhigay, Doollo laga caagye
- Hog dheer baan diniin laga cabayn, duraha jiilaale
- Waa taan wadaan qudha la darin, toban diraacoode
- Docnaba looma qoyn jeer aan, degay afmeerkiiye
- Darandoori looguma horayn, dararka Gaafawe
- Dukaanada waxaa dhigay ragii, dahay Wadaadkiiye
- Waxanan ugu dabaal degay markaan, helay dalleentaase
- Dooy iyo Doh Faafka iyo, Dubuxulkaad sheegtay
- Meesha iyo dirkii Xaawa iyo, Duudkii Nebi Aadan
- Inaan jeesna naga daaqahayn, daacadaa furiye
- Denbi iyo xasarad baa Ilaah, kuugu dawgalaye
- Dariiqada Janada loo maraad, dacal maraysaaye
- Diintii Rasuulka iyo sharcigii, baa lagaa dadaye
- Nin dardaarnkii seegayoo, doorsan baad tahhaye
- Afartaa dawaarkii dharkoo, dihin ma raacsiyay
- Deelqaafku waa ba’an yahee, daaqsin maw mariyey
- Ma daliishay qawlkii runaa, laabta kaa dega’e
- Da’dii hadalka laga fiiriyey ee, lana dareensiiyay
- Ana kama duwine eray yar baan, deelka ka higgaadshay
- Daarood hadaad tahay ood, hilbaha uga dubaaxayso
- Guutada kolkuu Macallin Dool, ugu dawaafaayay
- Adna sidaa cir danabloo onkaday, doobba karinaysay
- Diric naaska nuuga iyo markii, gabadh la dooxaayay
- Dalbashada salaadii markii, gaadhka lagu dayray
- Dabkii lala dhacaayaa dheguhu, nala dilaaceene
- Degmada Reer Amaadiin iyo Camar, debec ma maalaane
- Waxa Caabud Waaq laga didsaday, kii dabrayn jiraye
- Ku dulayste Awyaal intii, ugu dan roonayde
- Damal Haaje waataw waddeen, duurkan oo kala’e
- Daahyaale oo qudha maxaad, ugu dallaabaysay
- Shaxda lama degteen Reerhii, cunay dugaagiiye
- Hadba diilin lama jeexateen, qoomki Reer Dalale
- Doyaysi uma jiifsateen, dahar ay waabeene
- Dee hadal waxbuu soo duwaa, gabayga maa deysid
- Afartaa dawaarkii dharkoo,dihin ma raacsiyey
- Deelqaafku waa ba’an yahee, daaqsin maw mariyay
- Ma daliishay qawlkii runaa, laabta kaa dega’e
- Da’dii halka laga fiiriyay ee, lana dareensiiyay
- Ana kama duwine eray yar baan, deelka ka higgaadsay
- Dagaal iyo dhac waa lagu ogaa, duul shisheeya ahe
- Iyaguba kun jeer bay dunsheen, dawlada Isaaqe
- Ragii saca danaaniyay baqaa, daadshay qalabkooda
- Ee aan isdeyin jeer oo, hooris lagu daashay
- Eed qoodhha dogoblaw lahayd, sidii dameer weyda
- Waxaad tahay dabay cudur sidoo, aan layska daadayne
- Bal maxaa ka daran ceeb hadii, laysku dili waayo?
Be First to Comment