Press "Enter" to skip to content

Isaaq Iilay

Reer Cali (Ogaadeen) iyo Ciidagale (Isaaq) ayaa dagaalamay. Doorar badan ayaa dagaalkaa ku go’ay, haseyeeshee guushii waxay raacday Reer Cali oo si ba’an birta uga aslay Ciidagale.

Arab (Isaaq) ayaa soo hiiliyey oo lasoo saftay Ciidagale. Reer Cali ayaa Arabkiina ka daba geeyay Ciidagale. Gabayo badan oo labada dhinacba ah oo dagaalkan si hufan uga sheekaynaya ayaa isla xilligaa la tiriyey. Gabayadu, xataa kuwa nimanka Isaaq tiriyeen, waxay isku waafaqsan yihiin in Isaaq darbad xumi gaadhay.

Maxamed Cumar Dage ayaa haddaba ka mid ah dhinaca Ogaadeen ragga dagaalkaa ka gabyey, wuxuuna tiriyey gabay sifayn, goodi iyo dhaadasho miidhan ah. Tahniyad iyo boggaadin ayuu u diray Reer Cali, Ciidagale iyo Arabna wuxuu jabkii soo gaadhay u raaciyey dhalleeco iyo bagga. Arab ayuu waliba si gaar ah hadalka ugu goday isagoo gundhiciisu yahay maxay kasoo dooneen gumaca Reer Cali. Wuxuu yidhi:

  • Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi

  • Iidoor galbeed iyo warkii, idhan ka soo duulay

  • Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad moodeen e

  • Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede

  • Siddii aaran geel oo dideey, ooda jabiyeene

  • Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

  • Afkii Ina Warsame Baashe iyo, amarkii beenoow ye

  • Ayaan iyo ayaan buu, sanguhu daba ulaysnaaye

  • Oon baa ku daayimay kuwii, daba aasnaaye

  • Abshir dhaha Isaaq iilay oo, aarsay Reer Caliye

  • Afartaa sidii alifka iyo aaayad, ma u sheegay

  • Ma anafacay ilama adeeraday, waa u abaal gudiye

  • In yar kalana waa iiladkii, uunka kala gaadhay

  • Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta reer Muummin

  • Siddii Orobadii Yurub haday eedi kala gaadhay

  • Midkood ilanka qaataba haddii, dirir la eegaayey

  • Edeb xumo waxaa u soo hormaray, ey lasoo diraye

  • Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye

  • Ido-maaladii baa go’iyo, uuskii Guulane e

  • Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyay

  • Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey

  • Wuxuu uubateeyaba markii, la isu soo ururay

  • Arbihii madoobaa hadduu, uurka ka higooday

  • Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo

  • Onkod iyo siddii roob, loola amakaagye

  • Ma adkaysto adhi gaadka, oo aar ku duufsadaye

  • Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye

  • Waxaa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weer e

  • Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata

  • Ma anfaco atoor guuyo oo, soo agjoogsadaye

  • Gaaniga markuu ku ajaluu, ayaahiis bogane

  • Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

  • Uubuu galaa inan gumeed, ururta laa caaye

  • Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

  • Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale e

  • Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye

  • Waxaa ololoy uubadii Samane eegadii hore e

  • Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

  • Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

  • Waxaa ololay oobadii Samane eegadii hore e

  • Damal Aadan iyo ha is arkeen, owrta Reer Caliya

  • Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye

  • Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

Markuu Maxamed leeyahay:Afkii Ina Warsame Baanshe iyo, amarkii beenoow ye…Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale eWuxuu daba socdaa gabay uu Cabdi Gahaydh hadda ka hor tiriyey oo ay ka mid ahaayeen tuducyadan hoose.Warka xalay curaagtii tolkay, ceelka laga keenayEe sida cilmiga Eebahay, lagu cibaadaystoAniguba ciyaar baan is rogay, coomirkaan ahayeMa ku caafimaadeen gobbay, caadadeed tahayeSida caawa Habar Yoonis tahay, Ciida-Gale diidyeCaqli male Afdiinluu haduu, Caarad-dhuub helo eMar hadii cidhbaha loo rakibo, curado naafeeyeCaruur looma dhiibine rijaal, caarufaa helaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r