Press "Enter" to skip to content

Is Weydaaran

The largest online collection of Somali poetry

Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu tiriyay gabagan wadaniga ah tiriyey taariikhdu markay ahayd August 5, 2003. Wuxuu yidhi:

·Waloow aad wareen culus qabtood, dabin warfaadeysay

·Ooy waraabo iyo weer cuneen, wadar dadkaagiiba

·Oo ay ku weylaaliyeen, wiiq ku kala booday

·Ama aadan wareegtiyo laheyn, wararka baahaaya

·Oo ay wayaanuhu dilaan, wiilkii kuu kacaba

·Oo aad warmoogeey walwali, waa walbiyo jeerba

·Oo ay wuxuushtaa qarmuun, waalo kugu dheeli

·Oo ay Wardheer iyo Afdheer, walashsanooy joogto

·Oo ay waxshigu wanjaladeynayaan, waris caruurtaada

·Oo ay wacdii waabaryaba, weerar kugu qaadi

·Oo aad xaglaha waafidood, wahan la ooyeyso

·Oo uu wariye kaa warramin, wagareey ciilkaaga

·Oo ay wacdaradaadu tahay, wararac soo taagan

·Adduunyadusa ay kaba warqabin, waxa laguu geysan

·Ooy hooyo wiil jeel ku dhali, lagu wabsiinaayo

·Ooy Wiilo-luqundheer Tigree, wacal u qaadeyso

·Oo uu wadaad gaalku dilay, meydkuna wadhnaado

·Oo uu waddada gaal ku kudi, gabadhu waydeeda

·Oo ay waxyeeladu ku gubi, kuna walaaqeyso

·Warankii gummeystaha intuu, Waris ku dooxaayo

·Oo ay Walwaal iyo Jigjiga, wiidu wada yeeri

·Ooy labada waaxyood yihiin, Waris cuqaashaada

·Oo ay Abwaaniin warwari, murugo waaleyso

·Oo ay walaaluhu yihiin, afar-isweydaaran

·Mid Tigree u weheshi ohoo, wanan u loogaayo

·Oo warxungeys ahoo kufriga, daba wah leeynaaya

·Mid warmooge waligii ahoon, wariba kuu haaynin

·Mid wasakhleey Tigree weeraroo, wagac ka siinaayo

·Oo wacad Ilaahey ku maray, inuu wiiqo cadawgaaga

·Iyo miduu wadnuhu ooyayoo, ciil ku waqal hooray

·Ooy waayuhu ka hiisheen, waxbana kuu haaynin.

·Waloow aad waalalyoow qabtood, Wariseey ooyeyso

·Mar unbaad waddani kuu dhashiyo, weheshan diintaada

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r