Press "Enter" to skip to content

Internetka (Diseember 7, 2006)

 
Tani waa gabaygii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah ee laga tiriyo aaladda INTERNET ka iyo
saamaynta uu ku soo kordhiyay nolosha adduunka. Wuxuu yidhi: 
 
- Intarneedku waa horumaruu, gaadhay aadmigu e
- Aqli iyo garaad baa fikiray, inay abuuraane
- Haddii aan akhbaaraha dhibyari, lagu ekaynaynin
- Adduunyada wax badan oo ka dhaca, lama ogaadeene 
 
- Asagaad wixii aad rabtaba, u isticmaashaaye
- Qaarbaa iskuullada ka dhigan, meelo ayn arage
- Qaarbaa astaan ganacsi iyo, iib ku baayacane
- Qaar baa waxay ila tahiyo, galiya aaraa'e 
 
- Qaarbaa in ay madax noqdaan, aawadeed raba e
- Qaarbaa addoomaha ku dhiba, oo anaani ahe
- qaarbaa xadiis ka akhriyiyo, aayadaha diine 
 
- Qaarbaa khamaar u igmadiyo, maysar oon ku hele
- Qaarbaa iclaan been ah iyo, aafo soo galine
- Qaarbaa abaar kaga digiyo, baas damboo imane 
 
- Waa ila xareed iyo nimcadii, oo isgarabyaale
- Marna waa ihaaniyo dhib iyo, shay ilwaad darane
- Nin waliba irdaha tuu rabuu, kaga arooraaye 
 
- Waxaa jira in badan oon aqoon, aaladdaa timide
- Ammuuraha aan sheegiyo halkuu, gabaygu aanaystay
- Dad ninkii ifsaal kale hayoow, soo dir eraygaaga
 
 Fure:  
 
igmasho: u isticmaalid
oon: hunguri ama dhaqaale
maysar: khamaar ama turubka 
ihaano: dhibaato
ifsaal: tafaasiil ama micne dheeri ah
 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r