-
Ingiriis qabkiyo baanihii, wuu qalmahayaaye
-
Daarood unbuu qaxar badaye, qaaday dunidiiye
-
Kuwii qeyro dhaafay haday, qoomamo hayaane
-
Qabowga iyo nabaduu jeclaa, yaa la qoonsadaye
-
Qaribaada duulkii lahaa, qado mahaystaane
-
Waa qaran bax gaalada ninkii, ugu quwad roonaaye
-
Jarmalkii qasaaraha jeclaa, qaaday dunidiiye
-
Ka quusay qooriga Suweys, qabashadiise
-
Maraakiib qafilan baa badweyn, looga soo qaxaye
-
Qabro sheegadkii lawaa, loo qodhlayn jiraye
-
Raaciyo haddey qaabileen, qalab la’aaneede
-
Qabkii Musaliini ha gudhee, qaaliga ahaaye
-
Qalalaasihii lagu dhigeey, qabaxdi raaceene
-
Faransiis ma qaalana siddii, Paris loo qodaye
-
Quruumaha hortooduu ayaan, qubay silaaxiiye
-
Waxaan qolada siinka leh ahayn, qaran ka duugowye
-
Qeyrada Islaam marbaa, qeyr usoo dagiye
-
Qoladaa ku jira Eebaheey, hayna qaalibe e
Be First to Comment