1. Tabtaa Ina Cigaalow waddaan tacab qasaaruun dheh 2. Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh 3. Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda 4. Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh 5. Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay 6. Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timid uun dheh 7. Toddobadan aad soo doorateen taran hadaad moodey 8. Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh 9. Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh 10. Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo turis la’aaneed dheh 11. Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh 12. Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey 13. Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene 14. Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh 15. Mar hadday tolniimadii horiyo talo-wadaag diidey 16. Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh

Ina Cigaal iyo Ciise Muuse (1969)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment