Muqdishu.SONNA…Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta.
Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah: Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug), Cabdiraxmaan Garwayne (madaxii marin-habaabinta deegaanka Jowle), Daahir (madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo) iyo Cabdiwali (horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne).
Sidoo kale, Howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa isna lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo ku magacaaban horjoogaha maleeshiyaadka ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan waxaa lagu dilay ilaa toddobo (7) dhagarqabe oo ay ku jiraan labo horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa: Qaliif Muumin Sabriya, iyo Cismaan Cabdulle Faarax. Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaashan.
Hay’adda NISA ayaa dardargalisay howlgallada lagu baacsanayo Argagixisada si haraadigooda looga sifeeyo dhammaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.



Be First to Comment