Press "Enter" to skip to content

Iibsi Lacageed

The largest online collection of Somali poetry

  • Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
  • Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
  • Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
  • Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
  • Mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
  • Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
  • Albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida e
  • Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye
  • Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye
  • Dad iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
  • Amakaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
  • Intaa weeye iyo ma’ahadii la is ilaaqaayey
  • Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
  • Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
  • Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
  • Afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene
  • Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
  • Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
  • Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
  • Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r