Press "Enter" to skip to content

I. Mire iyo Hashiisii Markab

The largest online collection of Somali poetry

  • Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
  • Dugsi-kululo Doombiraley iyo degalkii Reer-weyne
  • Darroorrimada laantii lahayd layku dacareeye
  • Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
  • Docmiyo Toomihii duri ahaa lagu dugaagowye
  • Dooxii Xidh-weyniyo kufraa degay madheedhkiiye
  • Daaro iyo bangalo miidhan bay inagu deyreene
  • Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
  • Markaan diriri jirey waadigii damal ka weynaaye
  • Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye
  • Dararna waad lahayd aad mudhkaha daafta marisaaye
  • Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
  • Dulla-Carcaraaf waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye
  • Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
  • Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r