Press "Enter" to skip to content

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah ololaha qaran ee socda, kaas oo lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta—laguna xaqiijinayo badbaadada shacabka. Inta lagu guda jiray howlgalkan oo ay fuliyeen ururka 10-aad qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor ayaa lagu naafeeyey cadowga, wuxuuna ka dhacay tuullooyinka Daba-gaab iyo Xabaal-duub oo 20-km dhanka galbeedka ka xiga degmada Raagge-Ceelle.

Ciidamada xoogga dalka oo baaris dheeraad ah sameeyey ayaa miino baaris iyo kormeer ku sameeeyey aagaga muhiimka ah wadooyinka shacabka isticmaalaan, sida uu sheegay abaanduulaha ururka 10-aad qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Laba xidigle Cabdikariim Rashiid.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wadaa howlgallo xooggan oo ka dhan kooxaha Khawaarijta, kuwaa sii socon doona ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r