Press "Enter" to skip to content

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah Khawaarijta, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaas waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta ah, halka laba kale nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu qabtay waxyaabaha qarxa oo argagixisadu ay qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, iyadoo lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay ku baadayeen shacabka.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r