Press "Enter" to skip to content

Horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras iyo dhagarqabayaal kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Dhuusamareeb-(SONNA)-Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa xalay deegaanada Ceel-lahelay iyo Dhaban-dhul kuhays ee gobolka Galgaduud ka fuliyay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyagoo howlgalkaas ku dhaawacay malleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro.

Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r