Press "Enter" to skip to content

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Muqdisho(SONNA):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu Odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.

Hoggaamiye Jabriil ayaa adkeeyay in Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.

Odeyaasha Dhaqanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanka.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay Odeyaasha kaalintooda muuqata, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r