Press "Enter" to skip to content

Hey’adda Tayo-dhowrka Qaranka oo abbaalmarisay dhowr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS ayaa Magaalada Muqdisho uga  qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey abaalmarinta shirkado ganacsi oo ku guuleystay kobcinta tayada ee adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hey’adda Tayodhowrka Qaranka,waxaa kaloo ka qeybgalay qaar kamid ah maamulada shirkadaha ee xagga wax soo saarka,aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada XFS Mudne oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay leeyihiin tartamada ganacsiga ee loo qabto shirkadaha wax aoo saarka iyo kaalinta ay ka qaadan doonaan ilaalinta tayada ee adeegyada loo fidiyo bulshada.

“In Lagu tartamo shaqada heyad kasta ay u hayaan bulshada waa tallaabo dhiiirigalineysa in la helo adeegyo caafimaad qab ah oo wax u tari kara umadda”sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guue ee Hey’adda Tayodhowrka Qaranka Guuleed C/Rashiid.

Xafladdaasi oo uu sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka Abuukar Axmed Culusoow waxaa  shirkado dhowr ah oo la siiyay abaalmarinno iyo aqoonsiyo kale loo doortay in Soomaaliya ay ku matali doonaan tartamada loo qorsheeyay in uu u qabsoomo Ururka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga  bulshada Arika

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r