Press "Enter" to skip to content

Heshiiya

The largest online collection of Somali poetry

Tixdaan gabayga ah waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux – 05/05/02.Gabaygu wuxuu isugu jiraa guubaabo, calaacal iyo tusaaleyn intaba.

  • Soomaaliya dalkeennii baa ragow silic ka muuqdaaye

  • Saadaasha gabay baan rabaa inaan ku saafaaye

  • Mindi saawiraan laga samrine saaka idhageysta

  • Sahal uma tillaabsado ruux hadduu seedaha isgooyo

  • Sambabadu nimay maqanyihiin orad ma sii rooro

  • Sifoyaalahaas inaan leennahaa saaka la hubaaye

  • Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu salaadaaba

  • Sakadii ninkii diidayoo soonka jabinaaya

  • Siraadkii qiyaamaha wallee saanta rogiwaaye

  • Qabiilada rabbaa suubiyoo waa sirgooniyahe

  • Sihir iyo qaraabada unbaa lagu suntaayaaye

  • Qabyaaladda waxaan loo subkaday saw ma aha waalli?

  • Sagaal bilood ninkii lagu dhalee socodna kaa liidan

  • Subxaankiis yaqaannoo intaas saxaya tawxiidka

  • Sab iyo midgaan saw dhahdeen waa su’aal culise?

  • Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha kii sheega

  • Socotada maxaa loo dhacoo seefta loo mariyey

  • Sinta tii nasaartana maxaa silaca loo taagay?

  • Sodoh iyo dumaashiba haddii saaqid ka adeego

  • Sokeeyiyo xigaalaba haddii sahay la dhaafsiisto

  • Soomaalaay halkee loo socdaa sidatan waa yaabe?

  • Dhaqan soo jireenaan lahayn waad la socotaane

  • Sulux iyo heshiis baa mushkilo lagu sifeeyaaye

  • Salaadiinta maxaa loo xaqiray sidatan waa yaabe?

  • Sanawaad haddii aan jabnoo suurku nagu yeeray

  • Saxariir haddii laga dhergoo samo la naafeeyey

  • Soo noqosho goormaa lahelin sidatan waa yaabe?

  • Deeqdii subxaankaa dhammaan wada saluugteene

  • Sad-bursiyo waxaad wada rabtaan subax ku maaleysi

  • Sicir bararka waxaa noogu wacan saw ma aha tuugo?

  • Su’aal baan jawaab uga rabaa kii siyaasiyahe

  • Suntii reergalbeedkuba nacee soo masaafuriyey

  • Sidee baad ku yeesheen ragow sidatan waa ceebe?

  • Siyaasadda waxaa loo galaa ma ahan seegseege

  • Saadaashiyo waxaa laga bartaa seyhadhaw noqone

  • Salaqlaha maxaad uga heshaan subaxba meel aadka?

  • Sikastoo layeelaba haddii xooggu socon waayey

  • Soomaaliya haddii aad rabteen saatan inay dhaanto

  • Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

  • Sankuneefle khalqigii dhammaan waa na sugayaaye

  • Sumcaddeenu waa eber war hooy saad lasocotaanba

  • Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

  • Sacabbada wixii kuugu jiray yara intaad seydho

  • Sandareerto inaad raadsataan waa silloon tahaye

  • Saaxiibbow heshiiyoo kaltama sidatan waa ceebe

  • Siinleyda meeshaan la rabay sahal ma qaadsiiyey

  • Sarbeeb uma iraahdee murtida kali makuu soocay

  • Su’aal kalana waa iga ducee sacabadaw hoorsha

  • Subxaanow adaa karahayee samaha noo meeri

  • Sufahada Allow noo hadee saamic baa tahaye

  • Soomaaliya Ilaahow berriba saxan saxow hoorto

  • Sirta kii maleegana Rabbow siriqda uu laaco

  • Seexashada hurdada Rabbow sooba kiciwaayo

  • Saaxiibbadiisiyo Alloow ehelka uu seego

  • Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha kii diida

  • Sunta uu walaaqana kumalag sixun Allow qaadka

  • Soomaaliya Ilaahow ka dhali dawlad lagu seexdo

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r