Press "Enter" to skip to content

Hawlwadeeno ka tirsan hay’adda Duulista Rayidka oo tababar uga bilowday Tanzania

Daarusalaam (SONNA): Hawlwadeeno ka tirsan hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar uga bilowday dalka Tanzania, kaas oo xirfadooda sare loogu qaadayo, waxaana tababarka oo ay ka qayb galeen 25-shaqaale ah furay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Tanzania iyo Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) mudane Ilyaas Cali Xasan iyo agaasimaha hay’adda Duulista Rayidka ee dalka Tanzania (TCAA) mudane Saliim Msange.

Danjire Ilyaas oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda Tanzania oo martigelisay tababarkan, iyo dhinacyada kale ee kaalin ka qaatay suurta-gelinta tababarkan.

Ugu dambayn, Safiirka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay in ay muujiyaan adkeysi iyo masuuliyad, kana faa’iideystaan tababarkan oo muhiimad weyn u leh dalkeenna, gaar ahaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r