Press "Enter" to skip to content

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad xagjir ah

Muqdisho (SONNA): Ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka.

Hawlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r