Press "Enter" to skip to content

Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed oo sheegay in ay caqabad ku hayaan dalagyada dibedda laga keeno

Muqdisho-(SONNA)-Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka keena dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali oo u warramaysay warbaahinta Qaranka in dalagyada ay tacabkooda ku rafaadeen iyagoo kale dibada laga keenayo, taasna looga baahan yahay in ay dowladdu wax ka qabato.

“Culeyska ugu weyn ee innaga heysta wax soo saarka beeraha waa dalagyadii aan tacabkoodii ku rafaadnay oo iyagoo kale dibada laga keenayo”.

Guddoomiye Faadumo ayaa sheegtay in ganacsatadu ay eegayaan qiimaha jaban ee ay dalka dibeddiisa kaga soo iibsanayaan, iyadoo intaa ku dartay in dalagga gudaha uu ka qaalisan yahay kan bannaanka ka yimaadda sababtuna ay tahay marxaladaha adag ee ku xeeran wax soo saarka dalka iyo suuq geyntiisuba.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali ayaa dowladda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqday in lasiiyo agab casri ah oo u fududeeyo wax soo saarka dalka iyo in ay u sameeyaan dhiirri gelin xooggan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r